Friday, August 7, 2026
26.7 C
Mogadishu

Xafiis cusub oo bixin doona Baasaboorka Soomaaliya oo laga furay Diinsoor +(SAWIRRO)

Diinsoor (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Arbacadii maanta xariga ka jaray Xafiiska Bixinta Baasaboorka ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee XFS, Xubna ka tirsan Wasiirada Dowlad Goboleedka K/Galbeed, Agaasimaha Laanta 3aad ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, K/xigeenka Agaasimaha Waaxda Howlaha ee HSJ iyo shacabka Degmada Diinsoor.

Madaxweyne Laftagareen oo booqday qeybaha uu ka koobanyahay Xafiiska bixinta Baasaboorka ee Degmada Diinsoor ayaa bogaadiyay sida ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uga jawaabtay baahida Shacabka ku dhaqan deegaanada Koofur Galbeed gaar ahaan Degmada Diinsoor.

Ku-xigeenka Agaasimaha Waaxda Howlaha ee HSJ Md, Mahad Cusmaan Siyaad iyo Agaasimaha Laanta 3aad ee HSJ Md, Cumar Xaaji Ibraahim ayaa iyaguna uga warbixiyeen madaxweynaha habka uu u shaqeynayo Xafiiska cusub, iyagoo xusay inay Hey’adda markasta ka jawaabeyso baahiyaha Dadka ku dhaqan deeganada KGS iyo guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku howlaneed sidii ay adeegyada Hey’adda u gaarsiin laheed degmooyinka Dalka, iyadoo todobaadkii hore ay degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ka furtay Xafiiska cusub oo laga heli karo adeegga Baasaboorka taas oo wax badan ka badashay ciriiriga iyo culeysyadii ka jiray Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...