Texas (Halqaran.com) – Ugu yaraan 18 qof oo Arday u badan ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Uvalde, gobalka Texas ee dalka Mareykanka.
Wararka ayaa sheegaya in 17 ka mid ah dadka dhintay ay yahiin Arday, halka qofka kalana uu yahay macalin.
Eedeysanaha falkaan gaystay ayaa waxaa da’diisa lagu sheegay 18 jir, kaas oo ku noolaa deegaan u dhaw magaalada Uvalde, magaciisuna waxay Ciidamada Ammaanka ku shegeen Salvador Ramos.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan ka dhacday gobalka Texas ee dalka Mareykanka uu dhaawac ka soo gaaray labo qof oo kale, kuwaasi oo lagu sheegay Gabar 10 jir ah iyo haweeney 66 jir ah, sidokale laba Askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





