Muqdisho (Halqaran.com) –Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la kulmay Danjiraha UK ee arrimaha Soomaaliya & Ergayga Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika & Badda Cas ayaa kawada hadlay horumarinta Maaliyadda iyo dib u habaynta hannaanka Dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la kulmay Danjiraha UK ee arrimaha Soomaaliya & Ergayga Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika & Badda Cas ayaa kawada hadlay horumarinta Maaliyadda iyo dib u habaynta hannaanka Dhaqaalaha Soomaaliya
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in kulanka uu la yeeshay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham uu ahaa mid muhiim ah oo lagu xoojiyay taageerada horumarineed ee Maaliyadda
“Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Dowladda UK oo kala ah #Kate_Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas #Philip_Parham. Waxa aan ka wadahadlanay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya” ayuu yiri Beyle.
Soomaaliya ayaa ku howlan buuxinta shuruudaha la hordhigay oo haddii ay kasoo gudubto diilintaas laga cafinayo deynta isla markaana ay fursad u heleyso in mashaariic kala duwan lagu gacansiiyo sida ay sheegeen Hay’adda Lacagta Adduunka IMF & Bangiga Adduunka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





