Tuesday, May 26, 2026
27.8 C
Mogadishu

Mareykanka Oo ka Hadlay Qorshe Milateri Uu Wado Madaxweynaha Turkiga.

WASHINGTON (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa Talaadadii walaac ka muujiyay qorshaha Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan uu ku doonayo in uu dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cusub uga bilaabo xudduudda koonfureed ee dalkaas, isagoo sheegay in weerar kasta oo cusub oo lagu qaado waqooyiga Suuriya uu wiiqayo xasilloonida gobolka, isla markaana uu halis gelinayo ciidamada Mareykanka.

“Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada iyo doodaha ku saabsan suurtagalnimada kororka dhaq-dhaqaaqa militari ee waqooyiga Suuriya, gaar ahaan, saameynta ay ku leedahay dadka rayidka ah ee ku nool halkaas,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price.

Erdogan ayaa Isniintii sheegay in Ankara ay dhawaan bilaabi doonto howlgallo cusub oo militari oo laga sameeyo xuduudaheeda koonfureed si loo abuuro aagag nabdoon oo 30 km ah, si loola dagaallamo waxa uu ku tilmaamay khataraha argagixisada ee ka imaanaya gobolladan.

Hawlgalkan ayay u badan tahay inuu bartilmaameedsado waqooyiga Suuriya, halkaas oo Turkigu dhowr ka fuliyay hawlgallo milatari tan iyo 2016, si uu u wiiqo unugyada hubeysan ee Kuriyiinta ee YPG iyo PKK.

Ankara ayaa tan iyo sannadkii 2016-kii saddex duullaan ku qaadday waqooyiga Suuriya, iyadoo la wareegtay boqollaal Kiilo Mitir oo dhul ah, waxayna 30 KM gudaha u gashay dalkaas, iyadoo hawlgalladan inta badan lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ee uu Maraykanku taageero.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...