Baxdo(Halqaran.com) –Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilawdey ku qaadeen deegaankaasi waxaana qaraxyada ka dib xigey dagaal toos ah oo lagu qaaday fariisamo ay ciidamada ku la haayeen deegaankasi.
Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa is taagay, waxaana dib deegaanka uga baxay dagaalameyaasha Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka iyo dagaalkii dhacay oo dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray, waxaana dadka deegaanka Magaalada ay sheegeen inay maqlayeen jugta qaraxyada iyo hubka la isdhaafsanayey.
Wararka aynu ka heleyno dagaalka ayaa sheegaya in ay ku geeriyoodeen in ka badan 30 Ruux oo ka mid ah Askar ka tirsan Ciidanka daraawiishta Galmudug iyo Kooxda Al shabaab oo weerarka soo qaaday.
Dhanka kale Qoraal ay dagaalka kasoo saareen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii degaanka Baxdo kudileen 27 maleeshiyaad degaanka ah, sidoo kalena dhankooda looga dilay 9 dagaalame.
Sido kale Wasiir Falagle ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Ciidamada Daraawiishta Galmudug, iyo kuwa Deegaanka oo Cashir u dhigay maleyshiyaadkii.
Wasiirka ayaa sheegay inay Ciidamadu dileen 40 ka tirsan Al shabaab oo saaka rabay weerar gaadmaa in ay kula wareegaan magaalada Baxdo balse ay jab weyn kala kulmeen.
Waa weerarkii labaad oo ka dhacay Deegaanka Baxdo inta lagu guda jiro 2022, dagaalkii kan ka horreeyay ayaa dhacay Janaayo, waxaana uu sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray qaar kamid ah goobaha ka dhaw meelaha dagaalka uu sida gaarka ah uga dhacay.
Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah waxay horay ugu qaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.
Wararkii u dambeeyay ee deegaanka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in hadda xaaladda deggan tahay, isla markaasna ay halkaasi soo gaareen Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug,Degaanka Baxdo ayaa 90km dhinaca Bari uga beegan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com