Wednesday, January 21, 2026
25.1 C
Mogadishu

Ergeyga Gaarka Ah Ee Gurmadka Abaaraha oo Kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Canada.

Muqdisho(Halqaran.com) –Dowladda Canada ayaa ballanqaaday in dhaqaalaha ay siiso Dowladda Federaalka ay u baddeleyso mid lagu caawinayo Dadka ay saameynta taban ku reebtay abaarta ka jirta Soomaaliya si loo gacan-qabto.

Ergeyga ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Canada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya, isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Canada ee deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqa Soomaaliya .

Ergey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa marka laga tago kordhinta deeqda kala hadlay haddii qeyb ka mid ah dhaqaalaha horumarinta loo weecin karo howlaha gargaarka bini’aadannimo iyo abaaraha.

“Xubnaha safaaradda Canada oo uu hoggaaminaayay  xoghaya koowaad ee safaaradda ayaa warbixin ka siiyay Ergayga howlaha horumarinta iyo gargaarka isugu jira ee ay ku taageeraan Soomaaliya. Ergeyga oo dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Canada sida ay u garab qabanayaan Soomaaliya isaga oo ka duulaya ahaanshiyaha Kanada ee deeqbixiyaha afaraad ee dhaqaalaha ugu badan ugu deeqay Soomaaliya guga 2022” ayaa lagu yiri qoraal laga soosaaray kulanka Ergyaga & mas’uuliyiinta Safaaradda.

Sido kale Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Abaaraha waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlayay sidii loogu gurman lahaa dadka ay Soomaaliya ku saameeysay Abaarta.

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa saameyn taban ku reebtay kumanaan ruux oo Xoolo dhaqato & Beeraley ah, Dhulka ayaa qalalay, Ceelasha Biyaha ayaa guray, Dadka qaar ayaa u dhintay Cunno & Biyo la’aan halka xoolaha ay dhaqanayeen tarab-tarab u dhammaadeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...