UNHCR”Qaxootiga iyo Dadka Barakacayaasha Caalamka Waxay dhaafeen Qiyaastii Looga Talagalay”

GENEVA(Halqaran.com) – Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaxootiga dunida ee UNHCR ayaa lagu sheegay in tirada dadka guryahooda ka qaxaya inay sare u kacday 8% sannadkii 2021 marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyey ee 2020, waxaana lagu qiyaasay inay tiradaasi gaadhay illaa 89.3 million oo qof sannadkii 2021.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sababaha dadkan ku kellifay inay guryahooda ka cararaan inay ugu wacan tahay dagaallada, rabshadaha, cadaadiska iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalkooda ka jira.

Filippo Grandi oo ah madaxa hay’adda qaxootiga dunida ee UNHCR ayaa sheegay in tirada barakacayaasha caalamku inay si aad ah sare ugu sii kacday tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Qaramada midoobay ayaa walaac xooggan kamuujisay saameeynta kadhalatay colaadaha kasocda dalalka caalamka si gaar ah dagaalka yukreeyn iyo ruushka kaasi oo sababay barakaca malaayiin qofood oo kunool daafaha dunida waxaana qaramada midoobay ay kadigtay in dadkan barakacay ay saameeyn karto cunto la,aan baahsan oo soo food saari karta dadka kubarakacay colaadaha kajira dunida.

UNHCR ayaa Sababta waxa ay ku sheegay saameynta ka dhalatay Cudarka Covid-19 oo dunida ay  siwadajir ula dagaalameen, markii ay kasoo jeysteen cudurkaas safmarka ah ayax ayaa waxa uu ku degay deegaannada iyo wadamada qaar oo dhibaato farabadan sababay.

Sido kale 2022 ka ayuu Filippo Grand tilmaamay in colaadda ka dhacday Yurub ee u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine ay saameyn taban ku reebtay gargaarkii bani aadamnimo ee laga dhoofin jiray Dekedaha Ukrain sida uu hadalka u dhigay Madaxa UNHCR.

UNHCR ayaa sheegtay in tirada dadka qaxootiga ahi inay sare u kacday sannadkii hore illaa 27 million oo qof, halka dadka dalalkooda ku dhex barakacay ay kordheen illaa 53.2 million oo qof.

Wakiilo kala duwan oo intooda badan ka socda Hay’adaha Hoostaga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Abaarta ka jirta Geeska Afrika ay saameyn taban ku reebtay ku dhawaad 20 Milyan oo ruux oo u badan Xoolo dhaqato & Beeraley.

Heerka Abaartu gaartay ayay ku qiyaaseen in 40kii sano ugu dambeeyay ay tahay abaartii ugu darneyd ee ku dhufatay Geeska Afrika sida lagu muujiyay Warbixinnada kala duwan ee laga diiwangeliyay xaaladda bani aadamnimo ee Bariga Afrika.

Inta badan Dadka  ayaa aaminsan in qaxootiga ugu badani ay u hayaamaan dalalka ladan, hase ahaatee UNHCR ayaa sheegtay in 80% dadka qaxootiga ahi inay u qaxeen dalalka saboolka ah ama ku dhaqaalohoodu dhexdhexaadka yahay.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com