Baydhabo (Halqaran.com) – Waxaa faah faahin dheeraad ah kasoo baxaya qarax xoogan oo Jimcihii maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala beegsaday Wasiirkii Wasaaradda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladdiisa ah oo xilligaas ka soo baxay Masjid ay kusoo tukadeen salaadii jimcaha.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Wasiir Xasan Ibraahim Lugbuur iyo qaar kamid ah ilaaladdisa oo la socday, sidoo kalena waxaa ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray farabadan oo shacab ah oo wadada marayey.
In ka badan 10 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana dhaawacyada la geeyay Isbitaalka Magaalada, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.
Waxay aheyd, maalmo ka hor markii Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Marka, kaasi oo lagu dilay Guddoomiyihii Magaaladaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafow iyo xubno kale oo la joogay.
Mas’uuliyada qaraxaasi ayaa waxaa sheegtay maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





