Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ee lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Rag bistooladod hubeysan ayaa Khamiistii maanta qeybo kamid ah degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka DF Soomaaliya gaar ahaa kuwa Booliska, waxaana falkaas laga helayaa faah faahino.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay, in rag dhallinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Booliska, xilli uu ku sugnaa Xerada Ciidamada ee Saban Saban ama (77), taas oo u dhow Aargada degmada Dayniile.

Sarkaalka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Xasan Siyaad (Cali Tariin), waxaana warar la helayo ay sheegayaan in dableydii hubeysneyd ee falkaas geystay ay horey usii qaateen Bastoolad uu watay Sarkaalka oo u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dolwadda Federaalka gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa durbadii goobta uu falka ka dhacay gaaray, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Saraalka, lana aaday dhinaca CID-da.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal amni darro oo geysanayeen rag hubeysan, waxaana inta badan dilalka qorsheysan ee ka dhaca Caasimadda mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...