Algeria (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Jimcihii maanta khudbad ka jeediyay Fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dadalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Shirka Waxaa goobjoog ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria Mudane Cabdulwahaab Macalim Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Mudane ILyaas Shiikh Cumar.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com