Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku heshiiyay iskaashi dhanka Milatariga ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka Milliteriga ah ee ka dhaxeeya labada dal, xilli ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

War ka soo baxay Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha militariga Saraakiisha ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wadashaqeynta labada ciidan iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Warkan ayaa ku soo aadaya xilli labo maalin ka hor duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si ay uga hortagaan kooxda argagixisada bishii May.

Oggolaanshaha in ka yar 500 oo askari loo diro ayaa ah mid ka soo horjeeda go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu dhammaan ciidamada Mareykanka uga saarayo dalka sanadka 2020-ka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...