Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Beledweyne +Sawiro

Beledweyne (Halqaran.com) – Wasiirka arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya, mudane Mukhtaar Xuseen Afrax iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Khamiistii maanta gaaray, magaalada Beledweyne.

Waxaa si diiran garoonka diyaaradaha Beledweyne soo dhaweeyay maamulka gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka safarka wasiirka ayaa lagu sheegay in uu xaliyo tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Magaalada Beledweyne waxaa horay ugu sugnaa, madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...