
Garowe (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo khudbad ka jeediyey shirka wadatashiga ee Axaddii Maanta ka furmay Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin khilaafka dowladda Federaalka & Maamulka Puntland iyo hadal kasoo yeeray Madaxweyne Deni.
Wasiir Cawad ayaa waxaa uu sheegay in mararka qaar ay dareemaan tuhun ah in Puntland ay si gooni ah wax u rabto, iyada oo sheegeyso inay tahay Hooyada Federaalka Soomaaliya, hayeeshee ay ka rajeynayeen in Madaxweyne Deni uu yimaado Magaalada Muqdisho.
“Diyaarad walbo oo nasoo dulmarto waxaanu dhahnaa armuu Saaran yahay Deni, waana daalnay sidaan Kuu sugaynay, Marka Madaxwayne waan rajaynayaan inaad Muqdisho inoogu timaado, waayo waxaa nagu jira tuhun ah inaad si gooni ah wax u rabtaan ayuu yiri”, Wasiir Cawad.
Wasiir Cawad ayaa xusay, in uu rajeynayo in Madaxda Puntland tabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka ay ugu gudbiyaan si walaalnimo ah oo carqalad laheyn, isla markaana Xubnaha dowladda ay Wakiil ka yihiin Madaxweynaha Soomaaliya doonayaana in midnimada la xoojiyo.
Shirka wadatashiga Maamulka Puntland ee Axadda maanta ka furmay Magaalada Garowe ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubnaha labada Gole ee Dowladda ku metela dowladda Federaalka Soomaaliya.
Halka hoose ka daawo muuqaalka Wasiir Cawad:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





