Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen maamulkii hore ee Caasimada Dhuusamareeb iyo maamulka cusub.
Munaasabadan oo si heer sare ah loo agaasimay waxaa soo xaadiray xubno ka tirsan labada gole ee dowlada fulinta iyo sharci dajinta.
Guddoomiyhii hore ee magaalada Dhusamareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle, ayaa xilka ku wareejiyey guddoomiyaha dhawaan la magacaabay Macalin Cabdiraxmaan Geedo Qoroow.
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug oo ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa umahad celiyay maamulkii hore ee caasimada, isla markaana kula dardaarmay madaxda cusub in ay si wacan u gutaan masuuliyadda loo igmaday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






