Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga ee XF Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo Caawa Shir jaraa’id qabtay ayaa beeniyay in madaxweynihii hore ee dalka Xassan Sheekh Maxamuud hoygiisa la weeraray, taas bedelkeeda ayuu sheegay in ay Ilaalo u yihiin ciidamada Madaxtooyada.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in dad leh dano siyaasadeed oo ay ka dambeeyaan shisheeye ay magaalada soo geliyeen meleeshiyaad hubeysan.
Ciidamada ammaanka ayuu sheegay inay ka hortageen dableydaasi kadib markii waanwaan la doonayay in xaaladda lagu dejiyo ay suurtageli weyday.
Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka, ayaa si kulul uga hadlay weerar ay hoygiisa ku soo qaadeen ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay wixii dhowr jeer horey looga digay in uu weli Farmaajo ku dhiiran yahay, isagoo mar kale ka digay khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka dalka.
Ugu dambeyn, dagaalka culus ayaa caawa ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro, balse aan la ogeyn inta uu la egyahay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





