Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Wasiirka Amniga Hirshabelle: ‘‘Al-Shabaab Ukumankoodii iyo ajaaniibtoodii waxay u soo rarteen Shabellaha Dhexe‘‘!

Sh/Dhexe (Halqaran.com) – Ajaaniibtii Ururka Al-Shabaab ee dhawaan dagaalka looga soo saaray Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la sheegay in ay u soo weecdeen Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay culeys xoogan saaray maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxayna taasi dhabaha u xaartay in deegaanno dhawr ahi laga saaro.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa qiray in Ururka Al-Shabaab uu ku soo xoogeysanayo Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii laga soo saaray qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay arrintaasi in ay kala hadleen Dowladda Federaalka, oo ay u sheegeen in loo baahan yahay hawlgalada in si wadajir ah looga sameeyo Labada Shabelle, oo aan laga samayn Shabellaha Hoose oo keliya.

“Horey waan ugala hadalnay Dowladda Federaalka arrimahaasi. Hawlgalada inay labada dhinac ka socdaan ayaa aad u wanaagsaneyd, maadaama hadda Shabellaha Hoose oo keliya lagu weeraray nimankan, meelo badan-na laga qabsaday. Ukumankoodii iyo ajaaniibtoodii ayay u soo rarteen Shabellaha Dhexe, dhankaan waxay nooga soo gudbeen hawdka ah ee Labada Shabelle isu xira, marka taas ayaa caqabadda keentay.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa carab dhabay in muddooyinkan dambe ay Shabaabku culeys saamayn leh, ay soo saareen Gobolka Shabellaha Dhexe, ayna taasi tahay midda keentay inay weerarada ka gaystaan Degmada Balcad iyo deegaanada ku xeeranba.

“Waayihii dambe waxay aad u soo badiyeen inay culeys soo saaraan Shabellaha Dhexe, marka sababta mar walbana keentay inay Balcad iyo nawaaxigeeda ka sameeyan dhibaatooyin, qaraxo ama weerar toos ah waxaa u sahashay inay haystaan meel ay ku cararaan oo gabaad ay ka dhigtaan.” Ayuu yiri markale Wasiir Kheyre.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ee Maamulka Hirshabelle ayaa waxa uu intaa raaciyay “Marka Labada Shabelle haddii mar uu hawlgalka ka dhici lahaa, waxaan rajayn lahayn in nimankan meel ay ku gambadaanba aysan heli lahayn, waayo ma qaybsamaan, waa niman aad u tiro yar, marba dhinac u guur guuro.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...