Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Ilhaan Cumar oo Aabaheed ku geeriyooday dalka Mareykanka

Minnesota (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Mareykanka ku geeriyooday, Nuur Cumar Maxamed oo ah Aabaha dhalay Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa waxay barraha bulshada ku shaacisay geerida naxdinta leh ee ku timid aabaheyd.

“Dhab ahaantii Alle ayaa ina leh, isagaana u laabaneynaa. Waa murugo aad u weyn iyo xanuun inaan macsalaameeyo aabahey Nuur Cumar Maxamed. Ereyo kuma qeexi karo waxa uu aniga iiga dhignaa iyo dhammaan intii garaneysay iyo intii jecleydba.” Ayay tiri Ilhaan Cumar.

Warbaahinta Mareykanka ayaa qoreysa in marxuum Nuur Cumar Maxamed uu u geeriyooday xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus, inkastoo Ilhaan Cumar aynaan taasi ku xusin qoraalkeeda.

Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sanadkii 2018-kii loo doortay xubin ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxayna noqotay gabadhii labaad oo Muslim ah, oo markii ugu horeysay xubno ka noqda Congress-ka Mareykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...