Tuesday, April 21, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wasiir Maareeye ‘‘Xisbiyada Mucaaradka waa ay ka qeybgeli doonaan Shirka Dhuusamareb 3”

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Shirkii Magaalada Dhuusamareeb dhinacyadii ka qeyb galay ee Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ay ahaayeen dad ka wada tirsan dowladda balse ay meesha ka maqnaayeen kaalintii Xisbiyada.

Mr. Maareeye ayaa sheegay inay waajib ku aheyd Madaxda Xisbiyada inay dowladda Federaalka kala doodaan arrimaha doorashooyinka dalka, balse taasi aysan dhicin, waxaana uu sicad u sheegay in shirka soo socda ay ka qeybgeli doonaan.

Wasiir Maareeye oo ka qeybgalay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in dhinacyada saamileyda Siyaasadeed ee dalka ay ka wada hadlaan doorashooyinka, isla markaana dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in Xisbiyada Mucaaradka ay ka qeyb-geliyaan shirka la fiayo in uu 15-ka Bisha Agoosto ka dhaco Magaalada Dhuusamareeb.

“Waa uu ka duwan yahay shirka Dhuusamareeb wajiyadii hore, waxaana ka qeybgalaya dhammaan dadka uu quseeyo masiirka dalka, sida labada gole ee Baarlamaanka JFS, Xisbiyada dalka, maamul goboleedyada iyo sidoo kale ururada bukshada rayidka waxaana uu noqon doonaan shir loo dhan yahay‘‘ ayuu yiri wasiir Maareeye.

Si kastaba, inta badan Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka kajira ayaa waxaa ay siweyn u soo dhaweeyeen qodobadii kasoo baxay Shirkii ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb, waxana qaarkood ay dalbadeen in laga qeyb-geliyo Shirarka soo socda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...