Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Wasiir ka tirsan DF Somaliya oo sheegay inay dhawaan billaabaneyso soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta sheegay in dhawaan la bilaabi doono soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo maaalmihii la soo dhaafay hawlo shaqo u joogay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo waxaa uu Masuuliyiinta Koonfur Galbeed kala hadlay u diyaargarowga soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Wasiirka ayaana siyaabooyin kala duwan arrintaasi ugala hadlay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wasiirka ayaa waxaa uu maanta iftiimiyay in dhawaan la guda geli doono soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, maadaama kuwa hadda jooggo uu waqtigooda dhammaaday.

Wasiir Sabriye ayaa intaa ku daray in soo xulista Xildhibaanada ka dib la guda geli doono Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, si horey ugu sii socdaan horumarada ka jira Koonfur Galbeed.

Wuxuu wasiirku uu rajo wanaagsan ka muujiyay in si hufan ugu qabsoomi doonaan soo xulista Xildhibaanda Koonfur Galbeed iyo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, waxay aheyd bishii December, markii Magaalada Baydhabo lagu doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ka dib markii uu Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu is casilay, bishii November ee sanadkii hore.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...