Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

SAWIRRO: Guddoomiye Cumar Filish oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho, kaddib safar uu…

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtidii maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana soo dhawayntiisa ka qayb qaatay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada, Masuuliyiinta Gobolka Banaadir iyo dadweyne kale, waxaana uu Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ka soo laabtay Dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiye Cumar Filish, ayaa dalkaasi uga qaybgalay Shirka Doqowda Magaalooyinka Caalamka ee (Global Parliament of Mayors), halkaas oo uu khudbad ka jeediyay.

Sidoo kale, duqa Muqdisho waxaa uu dalkaasi kula soo kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, wuxuuna warbixin ka siiyay xaaladda Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...