Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Goodax Barre oo ka hadlay falkii argagaxa lahaa ee lagula kacay Gabar Ardayed aheyd

Muqdisho (Halqaran.com) – Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay falkii argagaxa lahaa ee Jimcihii lagula kacay gabar Ardayed aheyd.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa Jimcihii lagu kufsaday hotel la sheegay inuu ku yaalo xaafadda Koowda Maajo ee Degmada Waaberi, iyadoo kufsiga ka dibna la sheegay in dabaqa laga soo tuuray.

Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in kuwii falkaasi u gaystay gabadha, ay baabi’iyeen hamigeedii iyo weliba rajadii ay reerkeeda ka lahaayen.

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax, oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hamigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayen.” Ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Goodax Barre ayaa sheegay in xadgudubka ka dhanka ah hablaha Soomaaliyeed yihiin dembi iyo diin la’aan, dhaqamada ceynkani oo kala ahna ay dalka ku soo badanayaan.

“Kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaheena sharafta leh waa dambi iyo diin la’aan, waana dhaqan aad u xun oo maalmahan nagu soo xoogeystay.” ayuu sidoo kale yiri Wasiir Goodax.

Wasiir Goodax Barre ayaa Hay’adda Garsoorka Dalka ka codsaday in si deg deg cadaaladda ku waafajiyaan arxan laawayaashii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Ugu dambeyn, Xamdi Maxamed Faarax ayaa noqoneysa ardayadii labadii ee sanadkan imtixaanka ku baastay ee la dilo, marka laga soo taggo Taabit Cabdullaahi Xasan Raabi oo isna Jimcihii ku dhintay ismiidaamintii ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...