Wednesday, May 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaal dhexmaray Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal khasaaro geystay ku dhexmaray deegaanka Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, ka gadaal markii xalay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhiga ciidamada AMISOM ee deegaanka Arbacow.

Dadka deegaanka ku nool ayaa ku soo warramaya in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku weydaarsanayeen.

Si dhab ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, walow xilliga dagaalka uu dhacayay ay aheyd xilli habeen oo ay dadku hurdayeen.

Xaaladda deegaanka Arbacow ayaa hadda u muuqata mid deggan, waxaana xusid mudan in dhowr jeer ay Al-Shabaab weerareen xerada ciidamada AMISOM ee deegaankaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...