Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Wasiir Goodax: Ardayda Puntland lama siin doono Shahaadada dowladda +(Ogow Sababta)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay ardayda reer Puntland ee aanan galin imtixaanka Shahaadiga dowladda dhexe inaysan heli doonin Shahaadada.

Goodax Barre oo la hadlaayay laanta Af Soomaaliga VOA-da ayaa sheegay ardayda gashay imtixaanka dowladda kaliya inay heli doonaan Shahaadada, maadaama sida uu sheegay Imtixaanka uu yahay qiimeynta waxbarashada qofka.

Wasiirka Waxbarashada ee XF Soomaaliya ayaa sheegay inaysan, iyagu aheyn kuwo diidan dadka Reer Puntland, balse xaq aysan aheyn in Shahaado la siiyo Arday aan imtixaan gelin, waxaana uu cadeeyay in marnaba Ardayda Puntland aysan heli doonin Shahaahadada Dowladda.

Sanadkii hore ayuu sheegay inay socdeen waan waan arrintaasi xal looga gaarayay, balse haatan wada-hadalladaas aysan muuqan, waxaana uu Madaxda Puntland ku eedeeyay inay siyaasadeeyeen waxbarashada Ardayda ku nool degaannada Puntland.

Puntland ayaa Imtixaanka Shahaadiga ee deeganada Maamulkaasi, waxaa qaadaya Wasaaradda Waxbarashada Maamulkaasi oo xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Somaliya uu yahay mid aanan wanagsaneyn.

Sanadkii 2019 dowladda dhexe iyo Puntland ayaa sidan oo kale ku wada muransanaa Shahaado siinta ardayda deeganada Puntland, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...