Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka hadlay hanaanka loo daaweynayo dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxyadii Zoobe 2.
Wasiir Faarax ayaa sheegay in uusan jirin qof dhaawac ah oo dayacmay, isagoo sheegay in dowladda iyo isbitaallada Muqdisho ay iska kaashadeen sidii qof kasta oo dhaawac qaba loo dabiibi lahaa.
“Qof dhaawac ah oo meel cidla ah dayac loo dhigay majiro, isbitaallada way buuxsameen, laakiin dowladda ayaa dusha u ridatay wixii dhaqaale ah,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Halka hoose ka Daawo Muuqaalka Wasiir Faarax oo ka hadlaya:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com