Garoowe (Halqaran.com) – Laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, laba kalena ay ku dhawacmeen, kadib Shil gaari oo Talaadadii Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.
Shilkan ayaa yimid, kadib markii gaari dhayne ah oo siday shaqaale xoogsato oo ka yimid xeryaha barakacayaasha ee duleedka bari ee magaalada Garoowe uu rogmaday, xilli uu isku dayay inuu meel dalcad ah laamiga kasoo fuulo.
Dad goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in labada qof ay u geeriyoodeen dhaawac culus oo ka soo gaaray Shilka, halka Dadka dhaawacmay oo ay ku jiraan kuwo dhaawacoodu culus yahay la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe.
Ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ee Taraafikada iyo dadweyne ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay shilka gaari.
Marar badan ayaa shilal Gaari ay ka dhaceen magaalada Garoowe, waxaana shilkaan uu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay magaaladaas iyo deegaannada ku xeeran.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





