Wednesday, April 22, 2026
26.4 C
Mogadishu

Wasaaradda Caafimaadka: ”54 qof oo cusub ayaa ka bogsaday Feyruska Covid-19”

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 54 qof oo cusub 48-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 7,204.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 15 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo jooga Jubbaland (7), Puntland (4), Banaadir (2), Somaliland (1) iyo Hirshabeelle (1), qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,867.

Bukaannada cusub 11 ka mid ah waa rag 4-na waa dumar, Ma jirin bukaan u geeriyooday COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 775 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, ayna qaataan talaalka cudurka oo laga heli karo Isbitaalada Martini iyo Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...