Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka jirta deegaan ka tirsan Gobolka Sool

Sool (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya, in xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed ay ka taagan tahay deegaanka Aricaddeeye oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga aadan magaalada Laascaanood.

Sabtidii shalay ayaa waxaa deegaankaas dagaal Khasaare geystay uu ku dhex-maray labada maleeshiyo beeleed, kaas oo la sheegay in uu ka bilawday bogcado dhul oo ku yaalla Deegaanka Aricaddeeye kadib markii ay isku qabsadeen Maleeshiyaad ka tirsan Labada dhinac.

Inta la ogyahay hal qof ayaa dagaalkaasi ku dhaawacmay, iyadoo weli labada maleeshiyo beeleed ay is-horfadhiyaan, waxaana dadka deegaanka Aricaddeeye ay sheegeen inay soo wajahday cabsi ku aadan in markale lagu dul dagaalamo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa gaaray deegaanka lagu dagaalamay, hayeeshee aysan weli ku guuleysan inay kala dhex-galaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay, kuwaas oo xiisad dagaal oo u dhaxeysa saakay laga dareemayo deegaankaas.

Ugu dambeyn, dagaal beeleedyada ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay ku soo noq noqdeen deegaanno ka tirsan gobolka Sool, iyada oo Somaliland aysan ku guuleysan inay xal ka gaarto dagaal beeleedyadaas.


SII AKHRI WARAR KALE OO XIISO LEH:


DAAWO VIDEO: RW Khayre “Anigoo dalka u turaya ayaan is-casilay”


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com