Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka jirta deegaan ka tirsan Gobolka Sool

Sool (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya, in xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed ay ka taagan tahay deegaanka Aricaddeeye oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga aadan magaalada Laascaanood.

Sabtidii shalay ayaa waxaa deegaankaas dagaal Khasaare geystay uu ku dhex-maray labada maleeshiyo beeleed, kaas oo la sheegay in uu ka bilawday bogcado dhul oo ku yaalla Deegaanka Aricaddeeye kadib markii ay isku qabsadeen Maleeshiyaad ka tirsan Labada dhinac.

Inta la ogyahay hal qof ayaa dagaalkaasi ku dhaawacmay, iyadoo weli labada maleeshiyo beeleed ay is-horfadhiyaan, waxaana dadka deegaanka Aricaddeeye ay sheegeen inay soo wajahday cabsi ku aadan in markale lagu dul dagaalamo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ayaa gaaray deegaanka lagu dagaalamay, hayeeshee aysan weli ku guuleysan inay kala dhex-galaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay, kuwaas oo xiisad dagaal oo u dhaxeysa saakay laga dareemayo deegaankaas.

Ugu dambeyn, dagaal beeleedyada ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay ku soo noq noqdeen deegaanno ka tirsan gobolka Sool, iyada oo Somaliland aysan ku guuleysan inay xal ka gaarto dagaal beeleedyadaas.


SII AKHRI WARAR KALE OO XIISO LEH:


DAAWO VIDEO: RW Khayre “Anigoo dalka u turaya ayaan is-casilay”


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...