Tuesday, July 14, 2026
27 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: RW Khayre “Anigoo dalka u turaya ayaan is-casilay”

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo Xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka ay xukuumaddiisa kala laabteen kalsoonida oo arrintaasi xalay saqdii dhexe ka hadlay ayaa ugu horreyn sheegay in wixii ka dhacay Xarunta Golaha shacabka ay ahaayeen wax baal marsan sharciga dalka, balse isagoo u turaya shacabka uu xilka iska casilay.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isagoo og in sifo aan sharci ahayn loo maray kalsooni kala noqoshadiisa uu hadana diyaar u yahay inuu u tanaasulo danta shacabka Soomaaliyeed.

“Aniga oo og in wixii Golaha Shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, in xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho.” Ayuu yiri RW Xasan Cali Kheyre.

Kadib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonidii kala noqdeen Golaha Fulinta ayaa waxay dadku isha ku hayeen jawaabta uu ka bixin doono Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Soomaaliya wixii ka dambeeyay dowladihii dalka soo maray burburkii kadib.

Ugu dembeyn, RW Kheyre ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed u rajeeyay guul, waxa uuna ka codsaday iney cafiyaan.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka RW Xasan Cali Kheyre:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...