Thursday, July 9, 2026
25.2 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii khasaaraha geystay ee lagu qaaday Bas ku jeeday Mandheera

Baskii lagu weeraray Mandheera bishii December ee sanadkii 2015-ka/Keydka HalQaran.com

Wajeer (Halqaran.com) – Dhowr qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kaddib markii Koox looga shakiyay inay maleeshiyaadka Al-Shabaab yihiin ay weerar ku qaadeen Bas Maraayay inta u dhexeeysa Mandheera iyo Kutulod oo ka tirsan Gobolka Wajeer.

Taliyaha Bilayska Gobolka Wajeer Stephen Ng’etich ayaa xaqiijiyay weerarka laakiin waxaa uu ka gaabsaday in uu faah-faahiyo Khasaaraha ka dhashay weerarka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa waxa uu intaa ku dary in aan ilaa iyo imika la ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

“Waxaan xaqiijin karaa in koox hubaysan ay weerareen bas ku safrayay Mandheera Jimcihii wali wax macluumaad ah kama hayno tirada khasaaraha,” ayuu yiri taliyaha.

Qof ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in Kooxda hubeysan ay dileen ku dhawaad 10 ruux.

Si kastaba, dhacdadan ayaa ka dhacday isla wadadii 28 Kenyan ah oo Bas ku safrayay lagu dilay 5 snao ka hor.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...