Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Faah-faahin cusub oo ku saabsan dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan

Dagaal socda /Sawir hore/Keydka HQ

Hiiraan (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah kasoo baya dagaal culus oo Maanta Deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Hiiraan ku dhex-maray Ciidamo dadka deegaanka ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, sida la sheegay ,kadib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo ay gacanta ku hayeen dad is aruursaday,kana soo horjeeda Maamulka Al-Shabaab,waxaana halkaasi kadhacay dagaal in ka badan hal saac socday.

Dadka deegaanka Ceel-Cadde ayaa goorsii horeysay waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen in ka badan laba ruux,isla markaana intii uu dagaalka socday ay la wareegeen deegaanka Ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in gebi ahaan isgaariinta Magaalada la jaray aanan sirasmi ah loo ogaan karin xaalada ka jirta,sidoo kale Ciidamada deegaanka ay u baxeen deegaano dhaca duleedka Ceel-Cadde.

Dagaalka Maanta kadhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Hiiraan weli kama hadlin Maamulka Gobolka Hiiraan iyo la wareegitaanka deegaankaas ee Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...