Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Jowhar +SAWIRRO

Jowhar (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Jowhar, kaasi oo jugtiisa aad looga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaasi uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Hotelka Nuur Doob oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegaya in inta badan ay burbureen Dhismayaashii Hotelka iyo Guryihii ku dhawaa , sidoo kale ay ku waxyeeloobeen mas’uuliuiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi qaraxa ah oo aan helnay ayaa waxaa kamid ah, Guddoomiye ku-xigeenka hore Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise ,Wasiirka Haweenka Hirshabelle Caasho khalif, Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle Cabdi Macalin iyo Xildhibaan hore jeego, iyada oo Isbitaalka Magaalada Jowhar la geeyay dadkaas.

Hotelka Qaraxa lagu weeraray ayaa ku yaalla meel u dhow Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar, waxaana goobta qaraxa ka dhacay la soo dhoobay Ciidamo farabadan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...