Monday, April 20, 2026
28.3 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay iyo Xaaladda Magaalada Laascaanood oo weli kacsan

Laascaanood (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in mar kale halkaas ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay, oo lagu dilay qaar kamid ah dadka deegaanka magaaladaas oo kasoo horjeeday dilalka dhacaya.

Dadweyne farabadan oo kamid ah kuwa deegaanka ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah Laascaanood ka dhigay banaanbax ballaaran oo ay uga horjeedaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka aqoonyahanka ah ee ku nool magaalada.

Intii ay socdeen banaanbaxyada Laascaanood ayaa ciidamada Somaliland gaar ahaan kuwa Booliska rasaas ku dileen dad shacab ah oo u badan dhallinyaro, halka qaar kalena ay falkaas ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa la dhigay Isbitaalo, si loogu daaweeyo.

Dhinaca kale, Suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa gebi ahaanba khamiistii maanta xiran, waxaana aad u kacsan xaaladda magaalada, sida lagu soo warramayo.

Si kastaba, mas’uuliyiin xilal ka haya Maamulka Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa sidoo kale ku wajahan magaalada, si ay u dejiyaan xaaladda cakiran ee ka taagan Laascaanood.

Falalka amni darrada sida dilalka qorsheysan ayaa ku soo batay gudaha magaalada Laascaanood.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...