Laascaanood (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in mar kale halkaas ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay, oo lagu dilay qaar kamid ah dadka deegaanka magaaladaas oo kasoo horjeeday dilalka dhacaya.
Dadweyne farabadan oo kamid ah kuwa deegaanka ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah Laascaanood ka dhigay banaanbax ballaaran oo ay uga horjeedaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka aqoonyahanka ah ee ku nool magaalada.
Intii ay socdeen banaanbaxyada Laascaanood ayaa ciidamada Somaliland gaar ahaan kuwa Booliska rasaas ku dileen dad shacab ah oo u badan dhallinyaro, halka qaar kalena ay falkaas ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa la dhigay Isbitaalo, si loogu daaweeyo.
Dhinaca kale, Suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa gebi ahaanba khamiistii maanta xiran, waxaana aad u kacsan xaaladda magaalada, sida lagu soo warramayo.
Si kastaba, mas’uuliyiin xilal ka haya Maamulka Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa sidoo kale ku wajahan magaalada, si ay u dejiyaan xaaladda cakiran ee ka taagan Laascaanood.
Falalka amni darrada sida dilalka qorsheysan ayaa ku soo batay gudaha magaalada Laascaanood.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com