Ceel-Afweyn (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya dagaal maanta laba beelood ku dhexmaray deegaannada degmada Ceel-Afweyn oo muddooyinkii ugu dambeeyay halkaas ku dagaallamayay.
Wararka ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in uu sii kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, kagadaal markii mid ka mid ah labada beelood maleeshiyaad ka tirsan ay weerar ku qaadeen dad kale oo ku sugnaa magaalada Ceel-Afweyn.
Dadkan ku dhintay dagaalkan ayaa tiradooda lagu sheegay 5 qof, kuwaasoo saddex kamid ah ay ahaayen haween, halka labada kalena ay rag ahaayen, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay maayirka magaalada Ceel-Afweyn.
Sidoo kale, dagaalkan ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray 4 ruux oo kale, kuwaasi oo ku sugnaa goobta maleeshiyaad beeleedku ay rasaasta ku fureen.
”Waxa dhintay saddex dumar ah iyo laba ragg ah, shantaa qof ayaa dhintay ilaa afar qofna waa dhaawac”. ayuu yiri Maayirka degmada Ceel-Afweyn.
Sidoo kale Maayarka ayaa yiri:- ”Ciidamadu meesha way soo dhex-galeen xabadiina way istaagtay, shuftadii weerarka soo qaadayna way ku daba joogaan”.
Xafiiska Halqaran.com, Boosaaso
Halqarannews@gmail.com