Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay ee Laascaanood iyo Sheekh Caan ah oo halkaasi lagu dilay

Laascaanood (Halqaran.com) – Maalinti 4-aad oo xiriir ah, ayaa waxaa xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo ay shacabka magaalada ka dhigayaan bannaanbaxyo rabshado wato.

Ciidamada Somaliland ayaa mararka qaar rasaas ku ridaya Shacabka, kuwaas oo waxyeelo ay ka soo gaarto.

Waxaa Jimcihii saaka Magaalada Laascaanood lagu arkayaa Shacab careysan oo meelaha qaar xirtay, kuwaas oo ku dhawaaqaya Somaliland dooni meyno, dhimasho ayaan diyaar u nahay nina Laascaanood ugaga carari mayno iyo erayo kale.

Dhinaca kale, waxaa Jimcihii maanta magaalada Laascaanood lagu dilay Allaha u naxariisto, Sheekh Bidde Faarax Caalin oo ka mid ahaa culimada magaalada.

Banaanbaxyada ka docda magaalada Laascaanood iyo rasaasta ay u adeegsanayaan ciidamada Somaliland ayaa sababay in dad badan ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ay helayso mareegta HalQaran News, ayaa sheegaya, in Magaalada Laascaanood weli dagaallo iyo rabshado u dhaxeeyo Ciidamada Somaliland iyo Dadka Shacabka ah ay halkaasi ka socdaan.

Somaliland ayaa ciidamo aad u farabadan soo dhoobtay waddooyinka qaar ee Magaalada Laascaanood, waxaana maalintii 4-aad xiran inta badan Goobaha Ganacsiga, iyadoo ay xusid mudan tahay in dad badan ay ku dhinteen rabshadaha ka jira Magaalada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...