Sunday, April 19, 2026
28.7 C
Mogadishu

Aadan Madoobe iyo Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed oo isla meel dhigay arrimo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BF Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbee.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo Guddoomiyaha ayaa isla qaatay in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taalla magalada Baydhabo, Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Kadib markii laga wada hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay qaarka kalena shirka lagu xalin doono.

Dhanka kale, waxay wax laga xumaado ku tilmaameen shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo 23- December 2022, isla-markaana Guddoomiyaha uu ka shaqeeyo in guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas lagu soo celiyo gacan ku hayntooda cidii iska laheyd si loo abuuro jawi xasiloon lagana fogaado waxkasto oo keeni kara gacan kahadal dambe lagana dheeraado wax abaabul dagaal u eg.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in tabasha kasta oo lakala qabo lagu xalin doono shirka loo madlan yahay horaanta bisha Janaayo, isagoo adkeeyay in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto dadkeeda na kuwada noolyihiin kalsooni iyo Midnimo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...