Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay ee Cadaado iyo odayaasha magaalada oo diiday Shirka Dhuusamareeb

Cadaado (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaaladda Cadaado kulan ku yeeshay Xubnaha Guddiga qaban qaabada shir-waynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug iyo Odayaasha iyo Waxgaradka Magaaladaas.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay sidii Odayaasha Cadaado uga qayb geli lahaayeen Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee gogoshiisu taallo Magalada Dhuusamareeb iyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Kulankan waxaa dibad joog ka ahaa Saxaafadda, waxaana warar hoose oo ay heleyso Halqaran.com ay sheegayaan in Odayaasha Cadaado ay Guddiga u sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn inay ka qeyb galaan Shirka dib u heshiisiinta ee Magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, sababta ay ku diideen ka qayb galka shirka Odayaasha Cadaado ayaa waxa lagu sheegay inay guddiga u gudbiyeen in shirkaasi ay doonayaan in lagu qabto Magaalada Cadaado, islamarkaana ay tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...