Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe & Xubno Al-Shabaab ah…

J/Dhexe (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, waxa la sheegay in halkaasi lagula beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in sigaar ah duqeynta loola beegsaday Sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo duqeyntaasi lagu dilay kaas oo ahaa Madaxa Amniga degmada Jilib ee Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay jireen kulamo u socday Xubno ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee aysan jirin faah faahino rasmi ah oo laga bixiyay duqeymahaas.

Waxay aheyd, dhowr jeer oo hore ayaa diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka oo taageero ka helayo Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaa ay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib iyo degaano kale, waxaana Mareykanka uu sheegay in duqeymahaas uu ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...