Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Xildhibaan Daahir Jeesow oo Farmaajo ka codsaday in la xiro Axmed Madoobe

Muqdisho (Halqaran.com) – Xidlhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka kana soo horjeeda siyaasadda Madaxweynaha Jubbaland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uu kula taliyay in uu Xabsiga dhigo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Madaxweynayaashii dalka soo maray uu mid kasta Madaxweyne Axmed Madoobe uu siinayay fursad laba sano ah, isla markaana uu Kismaayo ku joogo Cadaalad darro.

Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka ayuu ka codsaday inay Xabsiga dhigaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo uu sheegay inay dacwad ka taallo, islamarkaana dad uu dilay sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Jeesow.

“Mudane Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hooydo” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow.

Madaweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa hadda ku sugan Caasimadda Muqdisho si uu uga qeyb shir lagu wado inuu u furmo madaxda DF Soomaaliya, Jubbaland iyo Puntland, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo qaabkii ay u qabsoomi lahaayeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...