Jamaame (Halqaran.com) – Waxaa lagu soo warramayaa in diyaarado dagaal ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysteen deegaano ka kala tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymaha ay ka kala dhaceen degmooyinka Jamaame, Jilib iyo deegaanka Haway oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, isla markaana lala beegsaday Xarumo ay ku shirayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale, saraakiisha waxaa ay sheegeen in duqeyn kale ay ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Haway ee Shabeellaha Hoose laguna dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
“Laba sarkaal iyo Lix dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeymaha oo ka kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose, waxaana ay noqon doonaan kuwa si joogto ah loo fulin doono‘‘ waxaa sidaa yiri mid kamid ah saraakiisha Ciidanka dowlada.
Diyaaradaha Mareykanka oo gacan ka helaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya Gobolada dalka, waxaana ay sheegaan inay uga gol leeyihiin inay ku wiiqaan awooda Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





