Galgaduud (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya, in dagaallo horleh ay ka soo cusboonaadeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac intuba.
Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Duleedka Deegaanka Kaxandhaale ee Gobalka Galgaduud, waxaana uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex qof halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana maleeshiyaadka dagaalamay ay kasoo kala jeedaan degaannada Galinsoor iyo Dhabad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Geesta kale, dagaal galay maalintii Saddexaad ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadka deegaanka Xananbuure ayaa waxaa ay sheegeen in dadka badi ay ka barakaceen dagaalka, iyaga oo ka cabsi qaba in uu waxyeelo kasoo gaaro dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo Beeleed ee hubeysan.
Laamaha Amniga Galmudug iyo Madaxda Sare ee Maamulkaas weli kama hadlin dagaalka, waxaana uu kusoo aadayaa xilli degaannada Galmudug ay ku sugan yihiin Madaxweyne farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble & inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





