Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Afar sarkaal oo booliska faransiiska ah ee lagu dilay Paris

Paris (Halqaran.com) – Waxaa maanta weerar mindi ah lagu dilay Afar sarkaal oo boolis Faransiis, wuxuuna falkan ka dhacay gudaha xarunta booliska magaalada Paris, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Midowga Booliska.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Loic Travers, ayaa sheegay in sarkaal kale oo boolis ah uu toogasho ku dilay qofkii weerarka soo qaaday.

Travers ayaa sheegay in qofka weerarka soo qaaday la rumeysan yahay inuu shaqaale ka ahaa xarunta booliska, hase yeeshee aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Travers waxa uu sheegay in weerarku u muuqday inuu ka billaabmay gudaha xafiis, kadibna uu ku baahay qeybo kale oo ka mid ah dhismaha.

Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa xaqiijisay in “dhowr qof” lagu dilay weerarka.

Weli ma cadda sababta hoggaamisay weerarka oo ka dhacay bartamaha Paris, meel u dhow kaniisadda caanka ah Notre-Dame Cathedral.

Si kastaba, Travers ayaa sheegay in qofka la tuhusan yahay inuu weerarka geystay uusan marnaba wax dhibaato ah horey uga gaysan shaqada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...