Monday, May 11, 2026
28.1 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Qarax xooggan iyo Weerar isla socoda oo ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Qarax xooggan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo jugtiisa aad looga maqlay xaafadaha magaalada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku soo warramaya in qaraxani uu ahaa, mid gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Hotel lagu magacaabo Tawakal oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Warar ayaa sheegaya, in rag hubeysan ay gudaha hotelka galeen, iyadoona hadda la maqlayo dhawaq rasaas xooggan oo ka dhex dhaceysa gudaha Hotelka.

Hotelka Tawakal ee la weeraray ayaa waxaa deggan mas’uuliyiin ah.

Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa la dhigay dhammaan waddooyinka soo gala hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, wararka ayaa sheegaya, inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, balse aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco HalQaran News.

Xafiiska Wararka HalQaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...