Wednesday, December 10, 2025
27.4 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan weerarkii lagu qaaday Hotelka Tawakal ee Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya, weerar ku billowday qarax oo lagu qaatay Hotelka Tawakal oo ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la sheegay in qaraxa kadib rag hubeysan ay gudaha Hotelka galeen oo ay ka dhex dagaalamayaan.

Hotelka Tawakal oo ku yaalla Xaafada faanoole ee Magaalada Kismaayo ayaa xilliga la weerarayay waxaa ka socday shir looga tashanayay dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab iyo Siminaar.

Ciidammada ammaanka ee magaalda Kismaayo ayaa la dagaalamaya dabley hubeysan oo galay gudaha hoteel Tawakal oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo, waxaana inta badan daga siyaasiyiinta.

“Qarax ayaa ka dhacay hotel Tawakal, waxaana la maqlayaa rasaas,” ayuu yiri Maxamed Nuur oo ah kabtanka ka tirsan booliska Kismaayo oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters isagoo ku sugan Kismaayo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen, isla-markaana ay la beegsadeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo hotelka ku shaqeynayay.

Ugu damebyn, Hotelka Tawakal ayaa waxa uu ka mid yahay hotellada caanka ah ee ammaankoodu uu adag yahay, wuxuuna u dhow yahay hotelka Cascaseey oo sidaan oo kale la weeraray sanadkii 2019-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...