Sunday, June 21, 2026
26.1 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Iska horimaad hadda ka socda gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaray xabsiga dhexe ee Xamar ayaa sheegaya, in iska horimaad uu halkaasi ka qarxay, iyadoo aan cid ah loo ogeyn cidda uu u dhaxeeyo.

Warar ay helayso Halqaran.com ayaa sheegaya in maxaabiis soo baxsatay ay gacanta ku dhigtay bakhaarka hubka ee Xabsiga Dhexe, iska horimaadkana uu u dhaxeeyo iyaga iyo Ciidanka Ilaaalada Xabsiga, iyadoo aan weli si rasmi ah loo hubin.

Warar qaar ayaa sheegaya in Xabsiga Dhexe ee Xamar ay soo galeen, oo ay ka dhex dagaalamayaan maleeshiyaad ka tirsan mintidiinta Al Shabaab, walow aan si dhab ah loo hubin xaqiiqda warkaasi.

Dadka ku dhaqan Degmooyinka Xamar Jabab iyo Xamar Weyne ayaa soo sheegaya inay aad u maqlayaan rasaasta la isku adeegsanayo iska horimaadka ka dhex socda Xabsiga Dhexe.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray waddooyinka soo gala xabsigaasi, waxaana gaaraya gurmad ciidan, oo la doonayo inay ka hortaggaan si aysan u baxsan maxaabiista ku xiran xabsiga ugu weyn Magaalada Muqdisho.

Xabsiga Dhexe waxaa ku xiran maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaa oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida horey ugu xukuntay xukuno isugu jira dil toogasho, xabsi daa’in iyo sanadooyin xabsi ah.

Sidoo kale waxaa ku jira Xabsiga Dhexe askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo xukuno kala duwan ku xukuman.

Si kastaba ha’ahaatee, iska horimaadkan ka dhex soconaya Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay oo ka dhaca gudaha Xabsiga, tan iyo burburkii dowladda dhexe.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha allaah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...