Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Ciidamada DF Somaliya oo toogtay haweenay Saldhig isku qarxin rabtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya, degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya, in ciidamada dowladda Federalka Soomaaliya ay halkaasi ku toogteen haweenay waxyaabaha Qarxa ay ku xirnaayeen.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, haweenaydaan ayaa doonaysay inay isku qarxiso Saldhiga Ciidamada dowladda ee Degmada Baardheere.

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay ka soo dagtay gaari caasi ah oo dhanka Magaalada Baydhabo ka yimid, waxaana intaasi kadib ay bam gacmeed ku tuurtay Saldhiga Ciidanka ay joogaan, iyadoo halkaasi ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah Ciidamadii Saldhiga joogay.

Ciidankii kale ee joogay Saldhiga ayaa la sheegay inay rasaas la dhaceen haweenaydaasi oo ay toogteen, markii maydkeeda la baarayna laga helay waxyaabaha Qarxa iyo number sireed.

Saraakiisha Ciidamada dowladda degmada Baardheere ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka haweenaydaan dibna ay ka faah faahin doonaan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...