Thursday, June 4, 2026
26.4 C
Mogadishu

Soomaaliya oo Kigaali kaga qayb galaysa shir looga hadlayo cunna yarida dalalka Afrika

Ruwanda (Halqaran.com) – Magaalada Kigaali ee caasimadda dalka Ruwaanda wax ay martigelisay shir looga hadlayay xaaladda cunto yarida ee ku sii baahaysa Afrika iyo sida qaaraddu uga bixi karto dhibaatada cunto yaraanta ah ee ka dhalatay wax soosaarka beeraha ee Afrika oo aan ku filneyn inuu quudiyo dadka Qaarada, iyo isbedelada Cimiladda oo saamayn ku yeeshay wax soo saarka Beeraha.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’addadaha iyo Bangiyada caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta beeraha ayaa waxaa Soomaaliya ku mataliyay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid.

Intii uu shirkan socday waxaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in la isku xiro oo wadashaqayn dhowna ay yeeshaan dhammaan qaybaha ay khuseyso Hey’adaha maaliyadda adduunka, hey’adaha cilmibaarista iyo culuumta Beeraha iyo ka dhabaynta wadamada Qaaradu qorsheyaasha iyo heshiisyada caalamiga ah oo uu kamid yahay Qorshaha dhammaystiran ee horumarinta Beeraha Africa ee loo soo gaabiyo (CAADP).

Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa intii shirku socday kulamo kala duwan la yeeshay Wasiiradii halkaas yimid iyo Hey’adaha Caalamiga ah ee Shirkaas soo qabanqaabiyay isaga oo uga Warbixiyay xaalada Beeraha Soomaaliya.

Wasiir Ciid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo badan oo ay dib ugu soo nooleeneyso kaabayasha Beeraha ,isagoo dhinaca kale Hey’adaha ay arintan quseyso ka codsaday in la taageero qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ku salaysan gaarista yoolalka caalamiga ee hoos u dhigidda gaajada iyo gaarista badbaado cunto.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...