Sunday, March 15, 2026
29.3 C
Mogadishu

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo fashiliyay weerar rogaal celis oo ay Al-Shabaab ku soo qaaday Awdheegle & Wararkii ugu dambeeyay…

Awdheegle (Halqaran.com) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa fashiliyay isku day weerar oo maleeshiyaadka al-Shabaab ay si rogaal celis ah ugu soo qaaday fariisinka cusub ee ay ku leeyihiin deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in 4 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah halkaa lagu dilay weerarkii ay soo qaadeenna ay ku hungoobeen.

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax khasaara ah oo soo gaaray ciidamada dowladda ee ku sugnaa difaacyada xilligii uu weerarkaasi dhacayay.

Ururka Al-Shabaab ayaa bilowday in ay weerarro rogaal celis ah ku qaaddo deegaannadii ay horay u maamuli jireen, balse haatan ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalin ka hor ayay ahayd markii ciidamada dowladda ee sida gaarka ah u tababaran ay maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Awdheegle oo 70 km u jirta magaalada Muqdisho.

Deegaanka Awdheegle ayay haatan ciidamada dowladda ka wadaan howlgallo ay dhulka uga nadiifinayaan miinooyin ay ku aaseen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Hay’adaha amniga Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM ayaa seddexdii bilood ee ugu dambeysay dib uga qabsaday deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose sida Sabiid, Caanoole, Bariirre iyo Awdheegle.

Xafiisdka Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...