WAR CUSUB: Maxaa ka jira in imaaraadka uu hub si qarsoodi ah uga soo dejiyay PUNTLAND? Muxuuse ka ogyahay Deni?

Madaxweyne Saciid Deni oo la kulmay xubno ka tirsan Imaaraadka Carabta /Sawir hore

Garoowe (Halqaran.com) –  Sida ay xog hoose ku haleyso warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya, in maalmihii dambe uu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay dowlad goboleedka Puntland iyo Imaaraadka Carabta.

Khilaafka oo markii hore salka ku hayay arrimo la xiriira mashaariic labada dhinac u dhexeysa ayaa iminka sii xoogeystay kadib markii la ogaaday in garoon ku yaalla magaalada Qardho ay ka soo degtay diyaarad sida saanad milateri, taas oo aysan ka war qabin dowladda Puntland.

Waxaa shaki weyn dhalisay qaabka qarsoodiga ah ee Imaaratka Carabtu ay saanada milateri ugala soo dagaan garoon cusub oo aysan horay u isticmaali jirin, iyadda oo la wada ogyahay in diyaaradaha Imaaraadku isticmaali jireen garoonka diyaaradaha ee Boosaso.

Saraakiisha ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Qardho oo ka war helay diyaarada Imaaraadka Carabtu leeyihiin ee ka soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho ayaa amray in la xanibo agabka ciidan ee diyaaradahu sidaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdulaahi Deni oo markii horeba safarkiisu ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la gaarsiiyay warka la xiriira diyaarada hubka sida ee ka soo degtay Qardho. Madaxweyne Deni ayaa saraakiisha faray inaan la dejin saanada milateri ee diyaaradu sido ilaa iyo amar dambe.

Waxaa Muuqata in qorshahaan uu yahay mid u gaar ah Imaaraadka Carabta oo aysan ka warqabin madaxda Puntland. Shaki weyn ayaa durba soo baxaya kaas oo ah halka ay ku wajahantahay, saanada ciidan ee Imaaraadka sida qarsoodiga ah u keenay isaga oo aan soo wargelin Puntland.

Hab dhaqankan cusub ayaa sii xoojinaya tuhun ay mudooyinkii dambe qabeen madaxda Puntland, kaas oo ah in wada shaqeyn ka dhexeyso kooxaha ka dagaalama buuraha Puntland iyo Imaaraadka.

Saraakiil ciidan oo aan xiriir la sameynay, waxay aaminsan yihiin saanada milateri ee sida qarsoodiga ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho in ay tahay mid loo waday buuraha Galgala oo ay ka dagaalaman Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, maalmo ka hor safarkii uu Madaxweyne Deni uga baxay Puntland ayaa si rasmi ah ugu wajahnaa magaalada Dubai, isaga oo transit ku sii noqday dalka Itoobiya. Lamana oga saameynta arrintaan cusub ay ku yeelan karto safarka Saciid Deni.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com