Muqdisho (Halqaran.com) – Toddobaadkan waxaa xilka taliyennimada ciidamada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya la wareegay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo askarinnimada qortay 14 sano ka hor.
Jeneral Odawaa ayaa xilka kala wareegay Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo xilka soo hayey muddo ku dhowaad sanad ah.
Odawaa ayaa noqonaya mid ka mid ah taliyayaashii ugu da’da yaraa ee qabta hoggaanka ciidamada xoogga dalka.
Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa warbixin xiiso leh oo dhinacyo badan taabaneysa ka diyaarisay arrintan.
Haddaba waa kuma Jeneral Odawaa, hoos ka dhageyso Warbixinta dheer:
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com