WAR CUSUB: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo ka noqday Go’aankii uu kaga dhawaaqay Berbera!

Burco (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegay in aysan Somaliland ka bixin heshiiskii saldhiga militari ee Berbera laga siiyay dowladda Imaaraadka Carabta.

“Waa dhowaysto oo dhexdaas ahayd waxaanu is aragnay qolada Abu-Dubai waa innagii Air-siinay (Air Base) ciimada ah. Si wacan bay u dhiseen wuu dhanyahay heshiiskii aynnu la galnay ee 25-ka ahaana waa sidii sii wax iskama beddelin” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wuxuu kaloo sheegaya, madaxweynaha Somaliland in garoonka diyaaradaha magaalada Berbera looga maarmi waayay in loo wada-isticmaalo shicib iyo militariba si markii ciidan loogu baahdana loo adeegsado markii duullimyaadyo rayid ah loo baahdana loogu isticmaalo.

“Adduunkoo dhan ciidamada iyo shicibku way wada-isticmaalaan garoomada markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii garoonkii loo isticmaalo Civil ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah uu noqdo International airport islamarkaana markii ciidamadu u baahdaan isticmaalan” ayuu sii raaciyay mudane Biixi.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi mar uu Sabtidii shalay oo booqasho ku tegay magaala xeebeedka Berbera ayuu halkaasi ka shaaciyay in garoonka diyaaradaha Berbera uu noqon doono mid shicib islamarkaana laga wareejiyay saldigii militari ee Imaaraadka Carabta.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com